Danab oo bayaan RASMI ah kasoo saartay sarkaal ka tirsanaa oo ku dhintay dagaalka Laascaanood

0

(Muqdisho) 25 Maarso 2023 – Taliyaha Ciidamada Danab ee Soomaaliya, Axmed Cabdullaahi Beeryare, ayaa soo saaray BAYAAN rasmi ah oo ku aaddan warar dhowaanahan soo baxay oo sheegayey sakaal horay uga tirsanaa Ciidanka KOMAANDOOSKA Danab oo lagu diley dagaalka Laascaanood. 

Ninka la diley waa Maxamed Sulaymaan, oo soo noqday Taliyaha Ururka Afraad ee Danab, kaasoo Sabtigii tegey lagu diley duleedka magaalada Laascaanood halkaasoo uu ka dhacay dagaal dhexsaday ciidamada Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka. 

“Waxaan xaqiijin karnaa in aanu wax shaqo ah ku lahayn Guutada Danab ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii, uu nasiibdarro, ku dhintay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu Beeryare bayaanka ku bilaaay, isagoo tilmaamay in Danab ay leedahay hal shaqo oo ah la dagaallanka ururrada argagixisada ee gudaha Soomaaliya. 

“Waxaan rabnaa in aan carrabka ku adkayno in Danab ay si buuxda uga go’an tahay ujeeddadaas oo aysan geli doonin wax dagaal beeleed ama arrimo la xiriira qabiil,” ayuu raaciyey.

“Waxaan rajaynaynaa in bayaankani uu meesha ka saari doono isfaham waaga jira, islamarkaana uu cadaynayo doorka Ciidanka Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” ayuu Bayaanka kusoo afjaray Taliye Beeryare.

Si kastaba, lama oga in ar run tahay in Sulaymaan uu 2011-kii ka baxay Danab iyo inuu raacayo siyaasadda cusub ee CXD Somalia ee uu dejiyey Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, oo horay u sheegay in sarkaalkii ka tirsan ciidanka qaranka ee ka qaybqaata colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn doono xubinamadiisa.

Hadalsame Media