Ciyaartooyda Panama oo xalay ciyaar dukhul-daakhul oo kale ciyaaray si ugu kala baxaan funaanadda Enzo (Daawo)

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2023 – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, Enzo Fernandez, ayaa laga yaabiyey Khamiistii xalay kaddib markii laba laacib oo ka tirsanaa xulkii kasoo horjeedey ay ciyaareen ciyaarta rock, paper scissors, si ay ugu kala baxaan cidda qaadan doonta funaanadiisa.

Waxa ay timid kaddib markii Argentina ay 2-0 ku garaacday Panama kulan ka dhacay Buenos Aires, xilli Lionel Messi uu dhaliyay goolkii labaad ee laad xor ah ahaa taasoo keentay inuu xaqiijiyo  800 oo gool intii uu ku jirey xirfaddiisa.

Fernandez, oo Chelsea kulasoo biiray adduun rikoodh jebis ah oo dhan £107 milyan oo ginni bishii Janaayo, ayaa sida muuqata ay aad u xiisanayeen laacibiinta Panama ilaa ay ciyaaraan ciyaartan oo kala saaraysa qofkii xaq u yeelan lahaa funaanaddiisa.

Codsiga cad ee ay Fernandez u jeediyeen ayaa muujinaysa sida ay ugu riyaaqsanaayeen maqaamkii uu ka gaarey kubada cagta adduunka dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Hadalsame Media