”Waxay ahayd tii ugu xumayd ee isoo marta haatan se….” – Ronaldo oo dib u gocday wixii ka qabsaday Old Trafford

0

(Riyaad) 22 Maarso 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa ku adkaysanaya inuu yahay nin ka wanaagsan sidii hore kaddib markii uu soo maray marxalad adag oo xirfadeed intii lagu jirey waayihiisii labaad ee Manchester United.

Imaatinkii Erik ten Hag ee Old Trafford xagaagii ayaa xaddidey waqtiga ciyaareed ee rugcadaaga reer Portugal oo ay qoorta isu galeen macallinkan Dutch-ka ah ee nidaam ku yuurarka ah, waxaana niyad jabkiisii uu arrintaa ka qaaday uu keenay inuu bixiyo waraysi TV oo qaxis ah uu la yeeshay Piers Morgan, kaasoo uu kooxda ku cambaareeyey sida uu naadigu ula dhaqmay.

Taasi waxay aakhirkii keentay in kabaha loosii jeediyo oo qandaraaskiisa lagu joojiyo qaab is-afgarad ah iyo inuu ku biiro kooxda Al-Nassr ee dalkaasi Sucuudiga.

“Dhib kuma qabo inaan iraahdo waxaan soo maray marxalad xun oo xirfadayda ah, laakiin waqti aan ka qoomameeyo uma hayo,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id kahor isreebreebka Euro 2024 Portugal ay la ciyaarayaan dalka Liechtenstein.

‘Life goes on and, doing well or not, it was part of my growth. When we are at the top of the mountain, we often cannot see what is below.

“Noloshu way sii soconaysaa, haddii ay kuu fiican tahay iyo haddii kaleba, waxay ahayd qayb ka mid ah korriinkayga qof ahaaneed. Marka aan joogno buurta dusheeda, inta badan ma arki karno waxa naga hooseeya,” ayuu raaciyey.

“Hadda, aad ayaan u diyaargaroobey oo waxaan bartay waxa muhimka ah, sababtoo ah weligey ma soo marin tan oo kale, yacni dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Haddase waxaan ahay nin ka wanaagsan sidii hore.” ayuu ku dooday CR7.

Hadalsame Media