Talyaaniga oo durba kasoo jawaabey codsi toos ahaa oo ka yimid MW Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2023 – Dowladda Federaalka Somaliya ayaa Talyaaniga kala wareegtey gaadiid dagaal oo gaashaaman, kuwaasoo ay siisay Dowladda Talyaanigu.

Kulan kooban oo ku qabsoomay Safaaradda Talyaaniga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkan lagula wareejiyey Wasiiru-dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Hadal kooban oo uu Firin ka jeediyey munaasabaddii ay DF gadiidka kula wareegtey ayaa sheegay in gaadiidkani ay wax badan ka tari doonaan dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaabka.

Danjiraha Talyaaniga ee Somalia, Roberto Vecchi, ayaa isna goobta ka sheegay in Talyaanigu uu taageerayo codsi ka yimid Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo madaxda Talyaaniga waydiistey inay gacan uga gaystaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida uu sheegay.

Hadalsame Media