”Caawaba halla cayriyo!” – Carragher oo furka ku xooray hadalkii macallin Antonio Conte

0

(London) 19 Maarso 2023 – Jamie Carragher ayaa miisaamey hadalladii aan caadiga ahayn ee Antonio Conte kaddib kulankii kooxdiisa Tottenham ay barbarro 3-3 ah la gashay kooxda heerka labaad halista ugu jirta ee Southampton, isagoo ku boorriyey kooxda woqooyiga London ka dhisan inay caawaba cayriyaan tababarahooda.

Isagoo sheekada la tegey Twitter-ka, khabiirka iyo halyeeygii hore Liverpool ayaa sheegay in madaxda Spurs ay tahay inay meesha ‘ka saaraan dhibka uu ku jiro’ oo ay faaska la helaan mar uu ka jawaabayey shir jaraa’id oo uu qabtay ess confere macallinkan Talyaaniga ah.

“Conte waxa uu doonayaa in la cayriyo fasaxan caalamiga ah,” ayuu Carragher kusoo qoray Twitter-ka isagoo ula jeeda inta ay socdaan kulamada caalamiga ah. “Spurs waa inay dhibka ka saaraan oo ay sidaa sameeyaan caawaba.”

Conte ayaa shalay furka xooray isagoo weerar xun ku qaaday kooxdiisa Tottenham oo uu ku tilmaamay koox han yar oo aan 20 sano wax koob ah qaadin.

Hadalsame Media