(Nyon) 17 Maarso 2023 – Waxaa la sameeyey isku aadka Wareegga rubuc-dhamaadka CL iyadoo uu derby samaysmay hal kulan oo derby ah.
MAXAA XIGA? Kulamada ugu horreeya ee wareegga 8-da ayaa dhici doona 11-ka iyo 12-ka Abriil, iyadoo kulamada soo laabashada ee lugta 2-aad ay qabsoomi doonaan todobaad kaddib, 18-ka iyo 19-ka isla bisha soo aaddan ee Abriil.
Nus-dhamaadku wuxuu dhici doonaa 9-ka iyo 10-ka Maajo, halka lugta 2-aad ee soo laabashadu ay tahay Maajo 16 iyo 17.
Dhammaadka waxay labada naadi ee isugu soo hara ay ciyaari doonaan 10-ka Juun iyadoo lagu dheelayo Istanbul.
Waxayna kooxuhu iskugu dheceen sidatan:
Real Madrid
vs

Chelsea
Benfica

vs

Inter Milan
Man City

vs

Bayern Munich
AC Milan

vs

SSC Napoli
Hadalsame Media