“Dr Fanax” la toogey balse wuxuu ka tegey 3 su’aalood oo aysan ka jawaabin DF Somalia

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2023 – Waxaa saakay dil toogasho ah oo qisaas ah lagu fuliyey 3 nin oo lagu helay inay wada fuliyeen falal argagixiso ah sida qaraxyo iyo dilal. Waxay kala ahaayeen:

1 – Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).

2 – Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).

3 – Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Sida uu sheegay Garsoorka Ciidanka DF Somalia waxay 3da nin kala ahaayeen sarkaal hore, sarkaal shaqaynayey & sarkaal iyo dhaqtar sheegad ah, waana la wada toogtey.

Ha yeeshee, ninka dambe ee ku shaqaynayey Dr Fanax waxaa arrintiisa ka dhashay oo ka taagan su’aalo aan laga jawaabin sida:

1 – Maxaa waraysigiisa loo jarjaray?

2 – Waxa uu ninkani sheegtay inuu alias ahaan ugu dhuumanayey shan shaqo oo kale duwan in uu qaban jiray sida: “Gaashaanle ciidan, shaqaale hay’ad,  dhaqtarnimo, shaqaale wasaarad iyo Al Shabaab.

Sidee haddaba intaas oo shaqo oo u badan kuwo dowladeed marka 2 qura laga reebo u qabanayey?

Yaa u sahley inuu DF sidaa u dhexgalo oo uu ciidan, gawaari, darays askareed, agab iyo galaangal helo?

3 – Markii la waraystay wax badan wuu daadiyey kolleey e aaway dadkii uu sheegay ee la shaqaynayey iyo magacyadooda maxaase loo gole joojin waayey?

Hadalsame Media