Naadi ka ciyaarta EPL oo qaaday tillaabo Muslimiinta ka farxinaysa oo ugub ah (Daawo)

0

(London) 13 Maarso 2023 – Kooxdii ugu horreeysey ee ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tillaabo naadir ah oo ka farxinaysa Muslimiinta danyarta ah.

Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay Ramadaankan bilaabayso olole afurin ah oo ay weliba ku qaban doonaan garoonka ay ku dheelaan ee Stamford Bridge.

”Aad baan ugu faraxsan nahay inaan ku dhawaaqno inaan martigelinayno afur furan oo aan kala shaqaynayso Mashruuca Teendhada Ramadamaanka ama Ramadan Tent,” ayay ku bilaabeen qoraal kooban oo ay soo saareen.

”Waxaan noqon doonnaa kooxdii ugu horreeysey ee PL ah oo afur ku martigelisa garoonkeeda, waxaana rajaynaynaa inaan soo dhawayno bulshada Muslimiinta ah ee degaanka.” ayay raaciyeen.

Caadiyan inta la ogyahay ma jiro naadi kale oo Yurub oo dhan oo tillaabadan oo kale horay u qaaday.

Hadalsame Media