Dadka haysta baasaboorrada EU, Maraykanka, Canada iwm oo lagu adkayn doono gelitaanka Ingiriiska (Dadka uusan sharcigani saamayn doonin?)

0
Travellers who had been aboard the covid-19 stricken Braemar cruise ship, operated by Fred Olsen Cruise Lines, react as they arrive at Heathrow Airport in London on March 19, 2020, after being flown back from Cuba. - The MS Braemar had more than 1,000 people aboard including five confirmed coronavirus cases and more than 50 people in isolation due to showing flu-like symptoms. (Photo by Tolga AKMEN / various sources / AFP) (Photo by TOLGA AKMEN/Tolga Akmen/AFP via Getty Images)

(London) 11 Maarso 2023 – Boqortooyada Midowday (UK) ayaa waxay uga baahan doontaa dhammaan socotadii horay looga dhaafay fiisaha inay soo dalbadaan oggolaansho socdaal oo dhijitaal ah kahor intaysan dalka soo gelin, tillaabada loo arko tii ugu waynayd ee xeerarka socdaalka iyo xuduudaha muddo tobanaan sano ah.

Dadka haysta baasaboorrada hadda dalka ku yimaada iyada oo aan hubin iyo dhib kale arag – oo ay ku jiraan muwaadiniinta Midowga Yurub, USA, Canada, Japan, Australia, New Zealand iyo muwaadiniin kale – ayaa dhamaantood waxay u baahan doonaan inay dalbadaan oo ay weliba iska bixiyaan kharashka Oggolaanshaha Safarka ee Elektrooniga ah.

Qorshahan ayaa lagu wadaa in si buuxda loo dhaqangeliyo dhamaadka 2024-ka.

DADKA UUSAN KHUSAYNIN: Dadka haysta baasaboorka Ingiriiska iyo Irishka, dadka haysta sharciga deganaanta UK iyo kuwa leh “oggolaanshaha ku noolaanshaha, shaqada ama waxbarashada” iyaga waa laga dhaafi doonaa nidaamkan cusub.

Dawladdu waxay sheegtay in qorshahan oo lagu magacaabo ETA uu xoojin doono amniga xuduudda UK islamarkaana uu la mid yahay kan ay isticmaalaan wadamada qaar sida Maraykanka iyo Kanada.

U.K. ayaa horay u sheegtay in marka la eego xeerarka hadda jira aysan haynin xogta saxda ah ee ku saabsan tirada dadka soo gelaya iyo kuwa ka baxaya dalkaasi.

Hadalsame Media