(Hadalsame) 08 Maarso 2023 – Taakadan xaasidnimada ah ayaa dhacday intii lagu guda jirey ciyaar ka tirsan Premier League oo lagu dheelayey garoonka Anfield, taasoo ay Reds ku badisay 3-1, taasoo uu Carragher jaalle ku qaatay kaddib markii uu taakeeyey garabka reer Portugal oo 2 todobaad garoomada seegay.
Evra ayaa u sheegay podcast FIVE: “Waxaan xasuustaa in la qalay oo uu xitaa ku sigtay inuu lugta ka jabo Nani. Waxaan bilownay inaan la dagaallano ciyaartooyda Liverpool, Steven Gerrard, kaddibna Scholsey [Paul Scholes] ayaa yimid, wuxuuna arkay Nani oo ooyaya. Wuxuuna yiei “f *** that, War ka kac meesha”.
Kaddib waxaa yimid macallin Ferguson, waxaana xasuustaa inuu yiri: “Waxaan jeclaa inaad lugaha ka jabto”.
“Ferguson wuxuu doonayay inuu dilo Nani markii uu dhulka isku tuuray, isagoo leh ma noqon kartid ciyaaryahan United ah adigoo sidaan sameeynaya.”y
Warkan ayaa ku socda ciyaartooyda haatan ee United oo ay kuwii hore ku eedaynayaan inay jileec badan muujiyeen Axaddii dhowayd.
Hadalsame Media