”Yaa arkay Rashford? Casemiro? Hiliblihii yaraa & Gary Neville?” – Taageerayaasha oo weerar maadsi ah ku qaaday Man United

0

(Liverpool) 05 Maarso 2023 – Kooxda Manchester United ayaa lagu tilmaamay ”mid eber ah” sida ay qabaan taageereyaashu ka dib markii ay 7-0 ku garaacday kooxda Liverpool oo ku heshay Anfield.

Red Devils ayaa la kulantay guuldarradii ugu cuslayd tan iyo Boxing Day 1931-kii xilli uu Cody Gakpo sii watay qaab ciyaareedkiisii wacnaa islamarkaana uu daah-furay goolasha qaybtii hore ee ciyaarta isagoo si qurux badan u dhamaystiray kubbad uu dhaafiyey David de Gea.

Hase yeeshee, taageereyaasha khadka internet-ka ayaa ra’yigooda ka dhiibtey ciyaartan ceebaysan, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay Twitter-ka ku dhaleeceeyeen bandhigga United, mid baa is waydiiyey: ‘Man United ma waxaa loo malaynayey inay u tartamayso horyaalka?’

Mid kale ayaa ku daray: “Man United dib ugu noqo sanduuqaaga. Ma jiraa qof arkay Rashford? Casemiro? Hiliblaha yar oo uu ka wado Martinez? Gary Neville?

Xitaa Graham Souness ayaa ciyaarta kaddib ku kaftamay: ‘Miyaynaan sugi karin inta uu kasoo laabto Gary [Neville]?’

Hadalsame Media