Ronaldo ”miinooyin” ayuu u dhigay Erik ten Hag (Nin ay saaxiib yihiin macallinka United oo kashifay arrin aan la ogayn)

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2023 – Macallin Erik ten Hag ayaa ku khasbanaaday inuu ‘dhex maro miinooyin’ bilihiisii ugu horreeyey ee Manchester United isagoo la tacaalayey xaaladii ka dhex qaraxdey isaga iyo Cristiano Ronaldo sida ay sheegeen dad aad ugu dhow dhow isaga.

Hans Kraay, oo ah saaxiib aad dhow iyo saaxiibkii hore ee Ten Hag ee De Graafschap balse hadda ah wariye ka howlgala Holland, ayaa ka sheekeeyey xaaladdii kacsanayd ee taagnayd markii uu yimid United.

“Erik waa u qalmaa guushaan United. Dadku ma garwaaqsana inuu ku khasbanaaday inuu dhex maro beer miino ah shantii bilood ee ugu horreeyey,” ayuu u sheegay Daily Mirror.

“Waxay meeshu ahayd fowdo bilawgii – waxaana jiray ”miinooyin” uu dhigay Cristiano Ronaldo. Waad garanaysaa waxa Van Gaal ku yiri Ten Hag? “Erik, war United qas wayn baa ka taagane, ha tegin halkaas.”

“Laakiin Erik wuu tegey, wax dhib ah kuma uusan qabin inuu ku dhex socdo miinooyinka Cristiano.” ayuu raaciyey.

Wuxuu ula jeeda in CR7 uu halkaa saamayn wayn ku lahaa kahor intaanu kooxda ka cayrin Ten Hag oo ay aad iskugu dheceen markii uu kaydiyey kaddib bahdilkii 4-0 ee ka gaartey Brentford balse uu Ronie diidey inuu bedel kusoo galo kulankii Tottenham.

Hadalsame Media