(Garoowe) 01 Maarso 2023 – Dhibaatooyinka Taban ee Tignoolagiyadda.
Dhibka ugu yar ee tignoolajiyaddan casriga ah iyo dijitaalka aynu dhex dabaalanayno qorshe la’aantu leeyihiin waa in hal mar cillad ku imaan karto ama ay istaagi karaan sida maanta oo kale.
Ogaantey Garoowe, waxaa saaka isku mar joogsaday wicitaankii, lacag diristii iyo interneetkii shirkadda Golis oo ah shirka ay isticmaalaan inta ugu badan shacabka Puntland oo aan filayo inay cilladi ku timid, halkaas waxaa ka dhashay in ay istaagaan xiriirkii khadka ee dadka waxna la gadan waayo.
Tan ugu darani waa in dhammaan lacagaheennu yihiin kuwo danabaysan oo taleefannada inoogu jira, ma haysanno lacag shilin ah oo wax lagu iibsado, xitaa dollarka aynu haysannaa jajab ama lacago yar yar oo wax lagu kala iibsado ma leh haddii xitaa qofku wato.
Sababtoo ah caadi ma ahan in dukaamada iyo meelaha wax laga gataa hayaan jajab ay qofk u celiyaan. Waxaa istaagey bajaajtii iyo guud ahaan gaadiidkii dadweynaha, sababtoo ah lacag lagu raaco ma leh.
Tignoolayaddu isku hallayn maleh 100% ah oo cillad ayaa ku imaan karta, marbay gebigeeduba dami kartaa, ee ugu yaraan waa inaynaan isu wada dhiibin oo lagu xisabtamaa haddii dhib ama cilladi timaaddo wixii inoo beddeli lahaa, sidoo kale waxaa muhiim ah in dadaal dheeraada la geliyo sidii loo heli lahaa shilin Soomaaligii.
Golis keliya ma ah ee xal guud oo haddii dhib ama cilladi timaaddo lagu baxsado ayaa loo baahanyahay.
Dhibkan ayaa sidoo kale ka dhaca magaalooyinka kale ee Puntland iyo dalka Somalia oo idil waana howl u taalla DF Somalia.
W; Q: Nasro Cabdirisaaq
Hadalsame Media