XOG: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo la sheegay in mushaharkii qaar laga goostay

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2023 – Waxaa soo baxaya warar cusub oo aan weli si rasmi ah looga haynin dhanka DF Somalia oo ku saabsan in lacag badan laga jartay mushaarkii Xildhibaannadda Golaha Shacabka.

Mushaharka xildhibaannada ayaa horay u ahaa $3,721,40 oo Doollar, waxaana laga dhigay $2,949.40, marka la eego lacagta loo diray maanta, taasoo ka dhigan in laga jartay lacag dhan $771.16 oo Doollar.

Wararka ayaa intan raacinaya in Xildhibaanaddu ay arrintaas ka caroodeen kana biyo diideen, iyagoo ku tilmaamay arrin aan micne samaynaynin.

Caadiyan, marka la eego dakhliga celceliska ah ee dalka Somalia oo ka mid ah kuwa dunida ugu faqrisan mushaharkani waa mudan yahay in la jaro, welibana lagu daro kuwa kale, balse dhibku wuxuu yahay inaan loo adeegsanaynin sifaha saxda ah sida in adeegyo lagu bixiyo ama lagu maalgeliyo howlo dadwaynaha loo qabanayo.

Si kastaba, halkan hoose ka arag raadka mid ka mid ah khasnadaha xildhibaannada:

Batch Depositing / Withdrawing
Depositing Into xxxxxxxxxx
2,949,40 US Dollar
28 February 2023
Batch depositing: Golaha Shacabka

Hadalsame Media