Maraykanka oo hub culus ku wareejiyey DF Somalia & Tillaabada xigta (Daawo)

0

(Muqdisho) 28 Feb 2023 – Maraykanka ayaa hub iyo saanad ciidan ku wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku guddoontey DF.

Saanadan ciidan oo uu Maraykanku ku keenay diyaaradda culus ee McDonnell Douglas/Boeing C-17 Globemaster III, ayaa Safaaradda Maraykanka ee Somalia kala wareegey Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna dhankiisa waxa uu ka dhawaajiyey in taageeradan Maraykanku uu maanta soo gaarsiiyey Muqdisho ay kusoo beegantay xilligii loo baahnaa, islamarkaana ay sii ambaqaadayaan howlgallada socda oo haatan meel xasaasi ah maraya.

Hadalsame Media