
(Paris) 27 Feb 2023 – LaacibKa reer Marooko ee Achraf Hakimi ayaa lagu eedeeyey in uu faraxumeeyey gabar 23-jir ah oo ku nool Nogent-sur-Marne, oo ah degaan yar oo Faransiis ah oo ku yaalla waaxda Marne Valley ee koonfur-bari ee caasimadda Paris.
Wargaysk Le Parisien ayaa warbixintan qoraya, iyadoo waqtigan xaadirka ah gabadha la sheegay inay dhibbanaha tahay aanay soo gudbin wax dacwad ah, laakiin waxay “ku dhawaaqay erayga ”kufsi” inuu dhacay.
Sida laga soo xigtey sheekada gabadha, wiilkan Moroccan-ka ah ayaa gabadha afka ka dhunkan lahaa isagoo kor u qaaday dharkeeda si uu u taabto naaskeedaa isagoo gabadha dhankiisa usii riixaya. Balse markii ay halkaa taagnayd ayay ku guulaysatey inay iska fujiso oo ay saaxiib farriin u dirto si uu u yimaado oo uu u qaado.
Baarayaal ayaa ka shaqaynaya galalka dacwaddan. Waxaana la sheegayaa inay arrintani dhacday Janaayo 16-keedii kaddib muran Hakimi iyo gabadha ku dhexmaray Instagram-ka.
Hadalsame Media