(Hadalsame) 24 Feb 2023 – Nin Carab ah oo talooyin bixinaya ayaan maalin dhowayd Facebook ku arkay. Hadalkiisa qiimeey bal.
2 – Iska ilaali inaad laba qof oo qoyskaaga ka tirsan oo is dagaalay, mid kamid ah la safato, waayo beri marka la heshiiyo adigaa noqoyo qof ay canbaar ku taallo, eedna arrinkaas uu kasoo gaarayo.
3 – Iska ilaali qof ehelkaaga ah inaad lacag ama wax deymiso, waayo taas waad ku kala dhiman kartaan, adiga haddii lagu deymiyana sida ugu dhaqsiyaha badan inaad u celisid isku day.
4 – Iskana ilaali inaad u sheegtid mushaarkaaga inta uu la eg yahay, waayo qaar baa ku xasdi kara haddii uu mushaarkaaga badan yahay, amaba ku yasi kara haddii uu mushaarkaagu yar yahay.
Talooyinka ninkaas maxaad ka tiri?
W; T: Axmed Kediye
FG: Waxaa laga hadlayaa haddii dhib imanayo e micnuhu ma aha inay markasta oo aad intan samayso ay dhibaato dhacayso.
Hadalsame Media