”Qofkii isoo weerara waan iska dhicinayaa” – Maxaa kala qabsaday goolwalaha Sevilla & Taageere si toos ah usoo weeraray? (Daawo)

0

(Eindhoven) 23 Feb 2023 – Goolhayaha kooxda Sevilla ee Marko Dmitrovic ayaa rajaynaya in PSV lagu ciqaabi doono taageerihii soo weeraray isaga qaybihii ugu dambeeyey ee kulankii Europa League ee Khamiistan.

Tababaraha Sevilla ee Jorge Sampaoli ayaa sidoo kale ceeb ku tilmaamay dhacdadan.

Taageerahan ayaa ka yimid qaybta ka dambaysa goolwale Dmitrovic, isagoo damcay inuu soo weeraro goolhayaha. Muddo aad u dheer ayayna ku qaadatay inay arrintan soo farageliyaan ilaalada iyo nidaaminta garoonku, balse goolwaluhu isagaa is maareeyey.

“Taageere ayaa gadaal iga riixay. Waxaan u malaynayaa inuu ka xanaaqey natiijada kooxdiisa,” ayuu Dmitrovic u sheegay kanaalka naadiga Seville. “Waxaan filayaa inuu sakhraansanaa. Wuu i riixay oo waana qabtay kahor intii aanay ilaaladu iman. Aad baan u caroode wayo arrintan oo kale ma aha inay dhacdo,” ayuu raaciyey.

Isagoo Isbaanish kula hadlaya COPE wuxuu Dmitrovic ku daray: “Haddii qof i soo weeraro, waan is difaaci doonaa. PSV waa koox wayn, waxaana rajaynayaa in la ciqaabo.”

Ciyaartan waxaa 2-0 ku adkaatay PSV, yeelkeede, waxaa 3-2 kusoo baxday Seville maadaama ay kulankii hore 3-0 kusoo badisay.

Hadalsame Media