”Gabdhihii beri toosnaa wax baa jar ka wada tuuray”

0

(Hadalsame) 23 Feb 2023 – Gabdhihii waxaa jar ka tuuray duul haween ah oo yidhi xuquuqda haweenka ayaan u doodnaa. Waxay ku leeyihiin, waa inaad shaqaysato, Magac yeelato oo aad ragga iska celisaa!

Markaad nin guursato waa inaad nolosha si siman u qaybsataan, oo haddaad cuntada karinayso waa inuu guriga tirtiraa!!

Dumarkaas waxaan leeyahay, ninka macno uma damayso gabadhu inay lacag leedahay iyo inay magac leedahay!

Gabadhu waaa inay tahay fariid caqli badan, waa in ay qurux badan tahay, nadiif tahay, udgoon tahay, gaari tahay, oo ay cuntada karin taqaanno.

Waa in ay tahay, marwo deggan, dulqaad badan oo dabacsan. Waa inay tahay marwo xididka iyo xigaalka isku wadi karto. Waa inay ninka siin karto, jacayl, daryeel, dugsiimo iyo dhiirrigelin.

Waa inay soo saari karto, ubad tayo leh oo ay dadku majeertaan. Ugu dambayn waa inay tahay marwo sharaf leh oo gurigeeda lagu soo hirto. Wixii intaas ka soo hadhaa waa iska faakihaysiye, dumaroow aynu runta isu sheegno.

Imika ayaydun isoo geli idinka oo madaxa ku socda cadho darteed e, reerkeenna in aynu dhaqanno, hooyooyinkeen tusaalihii ay inoo dhigeenna aynu raacno ayaa inoo ballan ah dumaroow.

W; Q: Naciima Abwaan Qorane

Hadalsame Media