11-kii laacib ee todobaadkan ugu wanaagsanaa Koobka Horyaallada Yurub (Kooxda qura ee 3 laacib ku leh?)

0

(Hadalsame) 23 Feb 2023 – Runtii ma jiro wax u dhigma kulamada Champions League, gaar ahaan marka ay dhacaan kulamo ka yaabis ah sida midkii wareega 16-ka ku dhexsaday Reds vs Real oo lagu sheegi kari ciyaarta xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa waxaa ka madoobaysey kooxda Real Madrid oo gurigooda ku xasuuqday, halkaasoo ay wacdaro ka dhigeen laacibiinta la qiray ee Vinicius Jr and Karim Benzema oo ka yaabsaday jamaahiirtii Anfield oo aanu abid soo marin habeenkaa cabsida leh oo kale.

Haatan, Daily Mail oo lagu yaqaan sida uu ugu xagliyo ciyaaraha Ingiriiska ayaa soo saaray safkii todobaadkan ugu wanaagsanaa Koobka Horyaallada Yurub, wuxuuna qirtay in kooxaha Ingiriiska ay ka taalley.

Halkan hoose ka eeg iyo kooxda qura oo 3 laacib ku leh oo ah Bayern Munich.

Hadalsame Media