(Hadalsame) 22 Feb 2023 – Waxaa la sameeyey liiska ciyaartooyda isku dayey gooysmada ugu badan dhanka Koobka Horyaallada Yurub ee CL.
Waxaa kaalinta 1-aad taagan wiilka soo baxaya ee xalay wacdaraha ka dhigay kulankii lagu bahiley kooxda Reds oo raaskeeda lagu ruquusay, kaasoo ah V Jr. Kaalinta 2-aad waxaa afar dhibcood uun ka hooseeya garab weerarka AC Milan ee Rafael Leao.
Kuwani waa xiddigaha isku dayey gooysmada ugu badan, balse liiska hoostiisa waxaan sidoo kale dhignay taxa laacibiinta sameeyey goosmada ugu badan isla dhanka CL fasalkan.
46 – Vinicius Jr. (Real Madrid)
42 – Rafael Leao (AC Milan)
39 – Kylian Mbappe (PSG)
39 – Ousmane Dembele (Barcelona)
34 – Kvicha Kvaratskhelia (Napoli)
Dhanka gooysmooyinka guulaystey halkan guji…
Hadalsame Media