Kaddib Gobolka Banaadir, Maraykanka oo isna lo’ badan laynaya & Qaabka loo dilayo + Sababta

0

(New Mexico) 18 Feb 2023 – Hay’adda Maaraynta Kaymaha dalka Maraykanka ayaa ansixisay qorshe lagu gumaadayo Lo’da ku dhaqan kaymaha gobolka New Mexico ee koonfurta Maraykanka, gaar ahaan Gila Wilderness oo dhacda jihada KG gobolkaas.

Lo’ Gisigan oo lagaga cabanayo inay isku badatay oo faraha ka baxday ayaa loo adeegsan doonaa diyaarad qumaati u duusha ama Helicopter uu saaran yahay nin qannaas ama shiishyahan ah xagga sare ka toogta, iyada oo dadkana looga digey in u dhowaadaan meelaha ay toogashadu ka socoto.

Kaymaha Qaranka ee Gila ayaa go’aankan soo saaray iyada oo ay cadaadis kala kulmeen kooxaha degaanka oo walaac ka muujiyey ku dhowaad 150 neef oo lo’ ah kuwaas oo ay qoobabkooda iyo afafkoodu ay waxyeello u gaystaan togagga iyo webiyada.

Dhanka kale, xoolo dhaqatada ayaa dhaleeceeyey qorshaha lagu tooganayo lo’da diyaarad helicopter ah oo ay ku tilmaameen mid arxan darro ah.

Waxay kaloo sheegeen in falkani uu ka horimaanayo shuruucda federaalka Maraykanka, waxaa ka daran inay dhibaato noqon doonto marka baqtiga lo’dani uu dibedda ku qurmo.

Sannado kahor dalka Australia ayaa isaguna diyaarado dagaal u adeegsaday Geela duur joogta ah ee ka dhaqan Kaymaha jiqda ah, kaas oo isagana lagaga cawday in uu waxyeello u geystay deegaanka.

Gobolka Banaadir ayaa beri dhowayd 2 jeer qalay lo’ ay dad shacab ihi leeyihiin, iyagoo u qaybiyey dad kale, taasoo ay dood culusi ka dhalatay sharci ahaan, farsamo ahaan iyo mandiqi ahaan.

Hadalsame Media