(Antakya) 18 Feb 2023 – Christian Atsu ayaa taabashadii ugu dambaysey laad xor ah oo cajiib ah u dhaliyey kooxdiisa daqiiqaddii 97-aad, sida muujinayo muuqaal dareen dhalinaya oo haatan la faafiyey, waana goolka ku dhaliyey inuu baaqi kusii ahaado magaaladiisa isagoo markii hore qorshaynayey inuu qoyskiisa booqdo ama uu xitaa kooxdiisaba ka tago.
MAydka Atsu oo 31 jir ahaa ayaa saaka laga helay burbur hoostiisa 12 maalmood kadib dhulgariir kaddib dhulgariir ba’an oo ka dhacay Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, kaasoo la og yahay inay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof.
Christian Atsu’s final moment as a footballer, scoring a free-kick in the last minute to win the game for Hatayspor, just hours before the earthquake struck.
Life is so short and unexpected, treasure every moment. RIP Christian Atsu 🙏🖤 pic.twitter.com/7xJT4v7C5I
— ToonArmy (@toonarmy_com) February 18, 2023
Muuqaalkan farxadda leh ee kasoo baxay laacibkii reer Ghana ee kooxda Hatayspor ee magaalada Antakya, Gobolka Hatay Province, ayaa goolkan ka dhaliyey Kasimpasa maalintii ka horreeysey dhulgariirka.
ARRIN YAAB LEH – Atsu oo kooxda Turkiga ah ee Hatayspor u dhaliyey laad xor ah oo cajiib ah daqiiqaddii 97-aad ee ciyaarta ugu dambaysey kulankii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Kasimpasa ee Turkish Super Lig 5-tii Febraayo, saacado kahor dhulgariirka ayaa sameeyey arrin yaab leh.
Fatih Ilek oo ka tirsan Maamulka Hatayspor ayaa u sheegay Radyospor: “Christian Atsu waxa uu u sheegay tababaraha in uu doonayo in uu waqti badan helo kahor kulanka aanu la yeelanayno Gaziantep FK. ‘Miyaan bixi karaa haddii aan koox helo?’ ayuu waydiiyey, iyadoo Volkan Demirel uu aqbalay codsigan.” ayuu yiri Ilek.
“Ma ciyaarin kulankii Gaziantep FK, laakiin waxa uu gool dhaliyey daqiiqadii ugu dambaysey ciyaartii Kasımpasa, waxa uu u jarnaa tikit oo wuxuu doonayey inuu soo booqdo qoyskiisa, laakiin markii uu si fiican u ciyaaray oo uu dhaliyey gool, wuxuu kansalay tikitkiisii,” ayuu raaciyey.
”Dhulgariirku wuxuu dhacay maalintii uu ugu farxadda badnayd, wuxuu duullimaad lahaa 11:00 habeennimo, tigitkii markii uu kansalay 4 am. Waa musiibo runtii.” ayuu ku muusonnaabay.
Caadiyan waxay tani ka dhigan tahay in Atsu uu ka haray safarkiisa bixi lahaa 5 saac kahor dhulgariirka uu ku dhintay. Waa arrin muujinaysa sida aan qaddarta looga baxsan karin.
Hadalsame Media