Saxaafadda Ingiriiska oo kusoo jeesatey halka uu deggan yahay & Cidda uu la deggan yahay Bellingham (Kooxda ugu cad cad?)

0

(Dortmund) 15 Feb 2023 – La yaab ma leh bandhigga xiddigga khadka dhexe ee Borussia Dortmund, wuxuu ahaa xiddiggii guushii 2-0 horyaalka ku tumeen kooxda woqooyi galbeed Jarmanka ee Werder Bremen.

Wuxuu caawa sidoo kale ka xiddigeeyey kulankii hadda dhow dhamaaday ee ay Chelsea 1-0 uga badiyeen.

Laacibkaasi waa Jude Bellingham oo loogu magac daray ’19-jirka adduunka ugu da’da wayn’ marka la eego baxaalligiisa guud iyo doorkiisa gudaha Dortmund:

Wuu ku qayliyaa asxaabtiisa, wuxuu u ciyaaraa sida Steven Gerrard, adduunkuna cagihiisa ayuu yaallaa – laakiin weli wuxuu ku nool yahay guri ku ag yaalla meel haro ah oo uu hooyadiis la deggan yahay.

AAG BEDDEL – Liverpool ayaa ugu cad cad, laakiin mashruucooda ayaa u muuqda mid yara jaban.

Bellingham ayaa Sabtigii ka garab ciyaaray xiddiggii hore ee khadka dhexe ee Reds Emre Can, labadooduba way ka fiican yihiin laacib kasta oo ku sugan khadka dhexe ee Anfield hadda.

Real Madrid ayaa kusoo bixi karta meesha ugu macquulsan ee uu u dhaqaaqi karo xagaaga, balse waa inay bixisaa 150 milyan oo ginni oo ay Dortmund dalban doonto.

Hadalsame Media