Edna Aadan oo dafirtay warkeedii ahaa in ”Laascaanood la dumiyo kaddibna dib loo dhiso” & Dood muhim u ah Somaliland oo…(Daawo)

0

(Muqdisho) 15 Feb 2023 – Edna Aadan Ismaaciil oo ah qofka haatan wada hadallada DF Somalia iyo Somaliland ugu qaybsan nidaamka Hargaysa, ayaa dafirtay war ay horay u sheegtay oo u ekaa mid ay ku baaqayso in la duqeeyo oo la burburiyo Laascaanood si ”dib loogu dhiso magaalo ka qurux badan.”

”Haddii la dumiyo mid kasii qurux badan baannu dhisanaynaa,” ayay xilligaa tiri Edna. Halkan hoose ka DAAWO muuqaalkii hore.

”Dadka aan waalidka u ahay ee deggan gobolka Sool, magaalada Laascaanood ee aan jeclahay ee aan u ducaynayo ee aan ka damqanayo, wararkan la isu geegeeyey wax afkayga kasoo baxay ma aha. Wax aan wanaag iyo kalgacayl ahayn uma hayo,” ayay meel shir ah ka tiri Edna.

Waxay raacisay in ciddii Ilaahay taqaannaa ay ogtahay inaysan hadalkaa dhihin, ciddii aan ogaynna ay haatan ogaato.

”Kelmaddaa maanan odhan. Waxaan la rabaa horumar, waxaan la rabaa nabadgelyo Soo iyo Sanaag. Dadka aan ayeeyda u ahay.” ayay daba dhigtay iyadoo ku baaqday inay dadku guryohooda kusoo noqdaan waloow aysan sharrixin sida ay taasi ku dhici karto maadaama uu halkaa duqaymo iyo dagaal ka wado nidaamka ay ka tirsan tahay.

Dadkii hadalka Edna ka fal-celiyey ayay qaarkood soo jeediyeen inay ku qurxoonayd inay Edna bixiso raalligelin toos ah bixiso halkii ay inkiri lahayd hadalkii ay horay u tiri ee la wada daawanayey.

Dadkii horay uga fal-celiyey warkeedii hore ayaa sidoo kale is barbardhigay hadalka Edna ee ah halla duqeeyo magaalo Soomaaliyeed maadaama ay ka go’ayso maamulkeenna iyo doodda Somaliland ee ku qotonta isla qodobkaa ah ”waxaa nala duqeeyey markii aan ka hor nimid Dowladda Somalia.”

Hadalsame Media