Arag meesha ay ka ciin wareegtey xaaladda Laascaanood & Qofka eedda iska leh

0

(Hadalsame) 15 Feb 2023 – Saxaabigii Mucaawiye Bin Abu Sufyaan (RC) ayaa hadda ka hor waxaa su’aal waydiiyey nin reer Shaam ah. Waxa uu yirl ”Macaawiyow see u xukumaysay shaam muddo afartan sano ah, haddana aysan waxba uga dhicin fitno iyo dhib ah”?

Macaawiye wuxuu ugu jawaabay ninkii ”Waligeey meel carrab (hadal) iiga baahan seeftayda lama aadin meel seeftayda u baahanna hadal lama aadin”.

Mar kale Macaawiye waxaa lga weriyaa hadal xikmad badan oo ay ka muuqato siyaasad yaab badan. Waxa uu yiri ”Aniga iyo dadka waxaa noo dhaxeeya xarig yar, kolka ay xariggaa xoog u jiidaan waan dabciyaa, kolka ay dabciyaanna waan jiidaa”. Siyaasaddii Macaawiye waxaa loo yaqiinnay شعرة معاوية.

Ogoobeey sheekada waxaan ku keenay khaladka Muuse Biixi iyo Ina kaahin u la tageen ummadda reer Sool.

1 – Muddo ku siman 13 sano ayaa haldoorkooda lagu tooganayey bartamaha magaalada, kolkii bannaanbax dhallinyaro abaabushay uu qarxay, xikmad kuma maarayn ee xabbad ayuu u la tagay.

2 – Markii uu arkay in xaaladdu xumaatay, haddana halmar ayuu maamulkii magaalada faraha kala baxay. Kollkii dadkii magaalada lahaa ee go’doonka uga maqnaa soo galeen oo inay tashadaan bilaabeen, hub, ciidan iyo saanad ku filanna gudaha la yimaadeen, ayuu mar kale xoog iyo xikmad la’aan u la tagay.

Waa halkaa meesha ay ka bilaabatay in tallaabo walba oo Soomaaliland qaadday ay u tahay shidaalka kacdoonka, ilaa ay gaarsiin doonto inuu guud ahaan gobolka banneeyo.

Xaajo nimaan aqoon baa indhaha ka rida.

W; Q: Cali Axmed Cali

Hadalsame Media