SAWIRRO: Burcad hubaysan oo kasoo baxday Kenya & Booliiskii oo millateri lagu xoojiyey (Xaalad deg deg ah oo lagu dhawaaqay)

0

(Nairobi) 14 Feb 1023 – Madaxwaynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa amar ku bixiyay in ciidamadu ay ku biiraan howlgalka lagu sugayo amniga ee ka dhanka ah burcadda hubeysan ee ka dagaalanta gobolka North Rift Valley ee galbeedka dalka Kenya, sida ay qortay BBC.

Amar dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada la geyn doono halkaas si ay u taageeraan booliiska laga bilaabo maalinta Arbacada. Burcadda hubaysan ayaa tobaneeyo qof ku dilay halkaas bilooyinkii la soo dhaafay.

Amarkan ayaa imaanaya xilli Wasiirka Arrimaha Gudaha,  Kithure Kindiki, uu ku dhawaaqay qaybo ka mid ah lixda degmo ee gobolka inay ku suganyihiin ” khatar”, isagoo ku soo rogay bandow habeenkii ah oo socon doona 30-maalmood.

Waxaa lagu dhawaaqay xaalad deg deg ah haatan kaddib markii halkaa lagu laayey in ka badan 100 rayid ah iyo 16 booliis ah oo si xil leh loo diley, iyagoo wajahaya burcaddan xoolo qaadka ah.

“Xukuumaddu waxay go’aamisay xaaladda ammaan ee hadda ka jirta Waqooyiga Gobolka Rift Valley inay tahay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah. Sidaa darteed, tillaabooyin xanuun badan oo go’aan qaadasho leh waa in hirgeliyo.” ayuu yiri.

Hadalsame Media