Halyeeygii Liverpool oo magacaabay laba laacib oo aad uga macaashay tegitaankii Ronaldo ee Man United

0

(London) 14 Feb 1023 – Ronaldo left Old Trafford in acrimonious circumstances in November after giving a bombshell interview to Piers Morgan. He had his contract with the Red Devils mutually terminated ahead of the World Cup, with the attacker subsequently joining Al-Nassr.

Halyeeyga Liverpool ee John Barnes ayaa Marcus Rashford iyo Jadon Sancho ku magacaabay labada ciyaartooy ee sida wayn uga faa’iidaystey bixitaankii Cristiano Ronaldo ee Manchester United.

Ronaldo ayaa kaga tegey Old Trafford xaalad qallafsan bishii Nofeembar kaddib markii uu waraysi qarxis ah siiyey Piers Morgan.

Waxa uu qandaraaskii uu kula jiray Man United u fasaqay si la isku waafaqsan yahay kahor Koobka Adduunka, iyadoo weeraryahanku uu markii dambe ku biiray Al-Nassr.

United hal jeer ayaa laga badiyey tan iyo markii uu Ronaldo kooxda ka tegey, iyadoo guuldarradaasi ay kasoo gaartey hoggaamiyeyaasha Premier League ee Arsenal.

Barnes ayaa aaminsan in Rashford iyo Sancho ay si gaar ah u muujinayaan qaab ciyaareed cajiib ah, iyadoo labada ciyaaryahanna ay ka macaasheen maqnaanshiyaha Ronaldo.

“Waxaan u malaynayaa in tan iyo markii Ronaldo uu tegey, u fiirso Sancho, fiiri Rashford, ciyaartooy badan ayaa si fiican u ciyaaraya sababtoo ah Ronaldo ayaa hareeynayey,” ayuu Barnes u sheegay BonusCodeBets.

“Waxay ila tahay in Rashford uu yara markii hore quustay, sababtoo ah waxa uu doonayey inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartooyda ugu muhiimsan Man Utd, sida uu runtii yahay.

“Waxa aan u malaynayaa in aanay la yaab ahayn in aad arki karto horumarkiisa haatan maadaama aanu Ronaldo meesha joogin. Rashford ma ahan weeraryahan dhexe laakiin.” Ayuu raaciyey Barnes.

Hadalsame Media