Booliiska Sweden oo diidey Qur’aan berri lagu gubi lahaa isla afaafka Safaaradda Turkiga (Sababta ay sheegeen)

0

(Stockholm) 08 Feb 2023 – Booliiska Sweden ayaa diidey in la sameeyo mudaaharaad cusub oo Qur’aanka lagu gubayo afaafka hore ee Safaaradda Turkiga ee Stockholm kaddib markii ay wadahadal la yeesheen Nabad Sugidda Säpo oo ka digtey khatarta sii kordhaysa ee Sweden ka dhanka ah ee arrintan ku salaysan.

Codsiga oo ku saabsanaa bannaanbax dhici lahaa 12 duhurnimo ee Khamiista berritoole, ayaa ka yimid urur dhaqameed ka jira agagaarka Stockholm. Booliisku se wuu diideen, isagoo ku sababeeyey inay meesha ka saarayso nidaamka iyo amniga guud.

”Sida caadiga ah waxa aanu wada hadal la yeelannay Säpo kahor inta aanan go’aankan gaarin.” ayuu SVT ku yiri Ola Österling, afhayeenka saxaafadda u qaabilsan Booliiska Stockholm.

Booliska ayaa boggooda sidoo kale ku qoray in gubitaankii hore ee Qur’aanka Kariimku ay keentay fal-celin xooggan oo caalami ah, taas oo halis ka dhan ah Sweden, taasoo “qalalaaso halis ah ku keeni karta amniga qaranka ah”, sida ay sheegeen.

RAFCAAN AYAA LAGA QAADAN KARAA – Ururka dhaqanku waxa uu e-mail ugu sheegay TT inay rafcaan ka qaadan doonaan go’aanka Booliiska taasoo ay u direen Maxkamada Maamulka ee FR.

Säpo ayaa goor sii horeysay oo Arbacadan ah ka digtey inay kordheen halisaha ka dhanka ah Sweden ee ka imanaya Islaamiyiinta rabshadaha adeegsada. Si kastaba ha ahaatee, ma rabaan inay ka hadlaan inay kula taliyeen booliiska inay diidaan codsiga Qur’aan gubista.

Hadalsame Media