Xog hor leh oo lama filaan ah oo kasoo baxday qaabka uu saaka u bilowday dagaalka Laascaanood

0

(Laascaanood) 06 Feb 2023 – Waxaa saaka dagaal hor leh uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasoo u dhexeeya Ciidanka Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Somaliland ay weerarka soo qaadeen, balse dib loo riixey iyagoo la kulmay iska caabbin xooggan, balse Maamulka Somaliland ayaa isna sheegtay in iyaga Wasiirradooda oo deggan duleedka magaalada lasoo weeraray.

Ha yeeshee, hadalkaa laguma wada qancin waxaana la is waydiinayaa waxa dagaalkan keenay maadaama aanu xilligan labada dhinacba dagaalku dan u ahayn marka la eego bayaankii laga dhowrayey shirka dhaqanka uga socdey Laascaanood iyo Maamulka Somaliland oo ka war sugayey taas.

Ilo xog ogaal ah oo aannu Laascaanood kala xiriirney ayaa Hadalsame u sheegtay in dagaalku uu ku bilowday qaab kala shakis ah, lama se sheegin cidda la hormartay rasaasta.

Hadalsame Media