Kulamo ay Man City horay usoo ciyaartay oo lagu celin karo (Arag xeerarka qaban kara Man City)

0

(London) 06 Feb 2023 – Kooxda Manchester City ayaa waxaa ku dheggan Maamulka Premier League oo ah hay’adda xukunka Horyaalka Ingiriiska, iyadoo lagu haysto ku xadgudub dhaqaale in ka badan 100 jeer sagaal xilli ciyaareed gudahood. Halkan kasii aqri….

AWOODAHA PREMIER LEAGUE: Waxay hadba ku xirnaan doontaa haddii lagu helo dembi iyo inta ay la egyihiin eedeymaha loo haysto, balse waxaa jira sharci adag oo u degsan.

Waxaa sidoo kale jira ganaaxyo kala duwan oo suurtagal ah, oo ay ku jiraan dhibco laga jarayo dhanka Horyaalka Premier League, kulamo lagu celin karo ama xitaa ka cayrinta gebi ahaanba Horyaalka Ingiriiska.

Marka la eego qaybta ‘Awoodaha Guddiga ee shuruucda iyo qawaaniinta Premier League [W.51.4], waxay sheegayaan ama qayaxayaan awoodaha iyo go’aamada laga qaadan karo kooxdii lagu helo inay ku tumatay nidaamka degsan.

Horyaalka Premier League ayaa sidoo kale Man City u diidi kara inay diiwaangeliso haddii ay soo iibsato ciyaartooy cusub.

Halkan hoose ka eeg….

Hadalsame Media