Qiimayn lagu sameeyey sida ay dalalka dunidu u kala CAQLI badan yihiin (Halkee gashay Somalia?)

0

(Hadalsame) 05 Feb 2023 – Dhanka garaadka Somalida waxaa celcelis baaritaannada ama indha-indhayntu (surveys) ku sheegaan 67 waxa ayna ka caqli yaryihiin Kenyan-ka oo haysta 75 ama Suudaan-ta woqooyi oo haysta 78.

Dalka dadkiisu ugu caqliga badanyihiin dunida waa Japan, celceliska caqligooduna waa 106, taas oo 5 uun ka yar tirada ugu badan ee qof bini’aadam ah ilaa hadda caqligiisu gaaray, taas oo ah 110. Halkan ka aqri liiska oo buuxa & sida dalal loo kala doortay.

Maxaa hadaba sabab u ah in caqliga dunidu sidaa u kala baaho?

Cilmi baarayaashu waxa ay u badiyaan laba arrimood oo kala ah 1. Dhanka sinjiga (genes) iyo 2. Dhanka nafaqada cuntada, iyadoo ay jiraan kuwa kalena.

Dhanka sinjiga waa ay adagtahay in wax laga badalo, waxaase wax laga qaban karaa dhanka nafaqada & cuntada.

Tusaale dadka reer Japan cuntadoodu waxa ay aad ugu tiirsantahay Badda, oo Malay/Kallnuunka iyo noole yaasha kale ee badda ku jira ayey aad u cunaaan. Caqli badni kali ahna kama faa’iidin ee sidoo kale waa dadka ugu cimriga dheer dunida!.

Sidoo kale, dadka Scottish-ka ah ee dega woqooyiga Boqortooyada Midowday ee UK, waxa ay taariikh ahaan cunaan malayga nuuca Herring & Salmon la kala dhaho. Xiliyadaas ay aadka u cuni jireen aduunyada wax yaabo gilgilay dhanka Sayniska, Tiknoolojiyadda & Dhaqaalaha ayey Scottish-ku soo kordhiyeen.

Tusaale aabihii dhanka tamarta/ korontada: James Watt. Gun-dhigihii dhaqaalaha: Adam Smith, aabihii TV-ga: John Logie Baird, soo curiyihii Insulin (daawada sokorta): John J.R. Macleod, soo curiyihii qalajiyaha Penicillin (antibiotics): Alexander Fleming iyo kuwa kale.

Malayga & noole yaal kale oo badda ku jira waxaa aad ugu badan dufan ama saliid lagu magacaabo Omega-3, oo ay ugu caansanyihiin, labada dufan-aashito ee DHA & EPA.

DHA waxa uu kobciyaa garaadka ama caqliga carruurta yaryar. Halka EPA uu hagaajiyo caafimaadka wadnaha, daawana u yahay cuduro kale.

QM (UN), maraykanka, Boqortooyada Midowday (UK) iyo Midowga Yurub-ba waxa ay ku dardaarmayaan in qofkii heli karaa asbuuci laba mar uu cuno Malay/kalloon.

F.G. Hadii aad tahay hooyo uur leh iskama cuni kartid intaa doonto & nuuc kasta oo Malay ah, waayo qaarkood waxaa ku jira sunta macdanta culus sida Mercury, oo wax yeeli kara ilmaha uur-jiifka ah. Sidaa darteed la xariir dhaqtarkaaga inta aadan cunin kalluunka nuucyadiisa.

W; D: Maxamed A. Geeddi

Hadalsame Media