DAAWO: Maraykanka oo ka warbixiyey agab xasaasi ah oo saarnaa buufinkii Shiinaha (Tiknolojiyad cajiib ah oo lagu shiishay)

0

(Hadalsame) 05 Feb 2023 – Diyaaradda casriga ah ee F-22 Raptor ayaa shalay gelinkii dambe xilliga Maraykanka dhulka soo dhigtay buufin wayn oo uu Shiinuhu leeyahay, kaasoo ay la heshay hal gantaal oo ah midka loo yaqaan Sidewinder.

Diyaaradan oo ku kacaysa qiime dhan $200 milyan oo Doollar ayaa Sabtigii ka duushay saldhigga ciidamada cirka ee Langley si ay u soo riddo buufinkan saacaddu markii ay ahayd 2.38pm, taasoo keentay in haraadigii buufinku uu ku dhaco meel ka baxsan xeebta Myrtle Beach, South Carolina

Diyaaradda F-22 waxa uu ku socon karta xawaare dhan 1,500 mayl saacaddii waxaana ay ku duuli kartaa joogga ugu sarreeya ee ay gaari karto oo ah 65,000 cagood, iyada oo ridi karta gantaal xawaarihiisu yahay 1,900 oo mayl saacaddii.

Miigga F-22 Raptor oo ay sancaysay shirkadda wayn ee Maraykanka ee agabka ciidanka samaysa ee Lockheed Martin, ayaa markii ugu horreeysey duullimaad sameeyey Sebtembar 7, 1997-kii, isagoo dul maray magaalada Marietta, Georgia. Waana diyaarad hal duuliye leh.

Raptor waxaa caadi ahaan lagu rakibaa gantaalaha cir-ka-cirka ah, oo ay ku jiraan midka AIM-120 AMRAAM iyo AIM-9X Sidewinder, waxayna wax ku shiishtaa agab ku rakiban koofida duuliyaha oo leh dareen wade raacaya isha duuliyaha, isagoo u baahan inuu eego oo qura meesha uu shiishayo, taasoo ah sida lagu shiishay buufinka Shiinaha.

Xawaaraha ugu sarreeya ee gantaalka Sidewinder wuxuu noqon karaa 1,900 mayl saacaddii, gantaal kastaana wuxuu ku kacayaa ilaa $380,000 oo Doollar.

Gantaalkan ayaa kala gooyey buufinka Shiinaha oo agab badan ku rarnaa, kuwaasoo ay ku jiraan qalab ku shaqeeya cadceedda oo ay kusii rakiban yihiin kaamirooyin, dareemayaal iyo raadaarro.

Saraakiisha Difaaca Bentegon ayaa ku qiyaasay in buufinkani uu le’eg yahay saddex bas islamarkaana jooggiisu uu dhan yahay 120 cagood, iyadoo qaradiisa laga garan karo meeshii uu ku dhacay oo jiidnayd ilaa 7 mayl.

Hadalsame Media