”Waan ka shallaayey kumannaankii aan ka haqeeyey Tik Tok” – Nin ka hadlay YAAB uu kala kulmay lacagta Tik Tok

0

(Hadalsame) 04 Feb 2023Ibn Suuriya waa nin baraha bulshada caan ka ah oo Suuriyaan ah. 4 maalin gudahooda ayuu Tik Tok ku dhawaad 10 kun oo Dollar ka helay, marwalbana qaabkaas ayuu ahaa.

Screenshot-ka meesha ka muuqda waa mid muujinaya lacagta ugu dambaysey ee uu sheegay inuu ka helay Tik Tok: $9610.

Yeelkeede, hadda wuxuu sheegayaa inuu ka qoomameynayo arrinkaas, kana towbad keenayo, sababtoo ah raaxo kuma dareemayo lacagtaas, diin ahaanna inaysan wanaagsaneen ayuu Sheekh ka maqlay.

Midda kale wuxuu sheegay in Tik Tok iyo howshiisa ay sidii balwad cml u noqotay, adduunyo jaceylna ka qaaday.

Asigoo illinta ceshanaya ayuu 3 maalin kahor muuqaal soo duubay, wuxuuna aad uga xumaa xaaladda uu gaaray.

Ka warran bal arrinkaas?

W; D: Axmed Kediye

Hadalsame Media