Taageerayaasha Arsenal oo isku raacay laba arrimood oo ay u sababeeyeen guuldarrada ku dhacday (Arag fal-celinta)

0

(Hadalsame) 04 Feb 2023Kooxda Arsenal ayaa markii 2-aad oo xiriir ah waxaa garaacday kooxda Everton, balse markan waa iyada oo ku jirta kaalimaha ugu hooseeya Horyaalka Ingiriiska, halka Gunners ay taagan tahay kaalinta 1-aad.

Yeelkeede, taageerayaasha Gunners ayaa inta badan laba arrimood diiradda saaray marka aad eegto fal-celintooda baraha bulshada, taasoo muujinaysa inay arrintaa aad u dhibsadeen.

Middi waa bedelka Thomas Teye Partey iyadoo uu garoonka weli kusii jiro Xhaka, mida 2-aadina waa soo gelidda ciyaarta ee Jorginho, kaasoo ay sidoo kale aad u qaadaa dhigayaan.

Caadiyan ulama jeedaan inuu isagu sabab toos ah u ahaa guuldarrada, balse waxay ku doodayaan inuusan la qabsan kaalinta 1-aad, waloow aysan Arsenal lafteedu ahayd koox kaalintaas lagu yaqaanney muddo 20 sanadood ah.

Halkan ka eeg fal-celintooda…

Hadalsame Media