DF Somalia oo markii ugu horreeysey qirtay inay ciidan u dirtay dalka Masar (Tirada la diray & Dalalka la kala gaynayo?)

0

(Muqdisho) 01 Feb 2023 – Dowladda Soomaaliya ayaa kumannaan askari u dirtay dalalka ku dhow dhow, si ay u xoojiso dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, sida uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxwaynaha Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali oo waraysi gaar ah siiyey VOA Somali ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay dirtay ilaa 3,000 oo askari midkiiba dalalka Eritrea iyo Uganda.

Waxa kale oo uu sheegay in 6,000 oo askari oo dheeraad ah loo kala diri doono dalalka Itoobiya iyo Masar, waloow aan horay si rasmi ah loogu shaacin.

“Waxaan rabnaa inaan dhamaystirno diyaarinta ilaa 15,000 oo askari sanadka 2023-ka,” ayuu Cali u sheegay VOA-da waraysi fool-ka-fool ah oo ka dhacay Washington halkaasoo uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka si uu taageero dheeraad ah ugu raadiyo Soomaaliya.

Yeelkeede, warkan ayaa imanaya iyadoo warbixin uu soo saaray Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda (HIPS) ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho uu shaki geliyey in Dowladdu ay wax kasta ku diyaarin doonto bisha Diseembar ee sanadka 2024-ka si ay u hesho 24,000 oo askari oo diyaar u ah inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga marka ay ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS) ay dalka ka baxaan, sida loo qorsheeyey.

Si kastaba, arrintan ayaa ka duwan qorshihii hore ee ciidamada loogu dirayey dalka Turkiga sanadihii dambe, lamana oga in gebi ahaanba laga weecday istaraatijiyaddaas iyo in Turkigana qaar kale loo dirayo.

Hadalsame Media