DEG DEG: Xulka Somalia oo ka badbaadey guruubka dhimashada balse galay mid aad u adag

0

(Algiers) 01 Feb 2023Waxaa la sameeyey isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirada kaas oo ka dhici doona Algeria.

Isku aadka oo dhacay 2:00 (Duhurnimo) xilliga Geeska Afrika, ayaa loo qaybiyey 3 guruub oo min afar kooxood ah, waxaana dalalka ka qaybgelaya ka mid ah dalkeenna Somalia oo ku cusub tartankan.

Somalia oo maadaama ay ku hooseeyso dhanka qiimaynta FIFA meesha ugu hooseeysa ka gashay guruubka ayaa ku guruub noqotay guruubka bir ah oo ah Guruub A oo ay ku wada jiraan Algeria, Senegal, Congo, waloow uu Guruub B yahay kan dhimashada.

Waxay ku wada ciyaarayaan caasimadda Algeria ee Algeirs 29 Abriil ilaa 19 Maajo ayuuna socon doonaa tartankani.

Hadalsame Media