Taageerayaasha Chelsea oo keenay caddayn macquul ah oo muujinaysa in Enzo Fernandez uu kooxdooda ku biirayo

0

(London) 31 Jan 2023 – Taageerayaasha Chelsea ayaa ku qanacsan in kooxdoodu ay markan daacad tahay maadaama ay wefdi u dirtay Lisbon si ay u dhamaystiraan heshiiska Benfica ay kaga rabaan Enzo Fernandez, markii ay ogaadeen raadka duullimaadka u safray Portugal.

Blues ayaa wiilkan ku raad joogtey dhamaan intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagii iyo jiilaalkan, si ay u helaan ciyaartooyga khadka dhexe ee Argentina waxayna hadda ku dhowdahay inay £105milyan oo ginni ay kula soo wareegto xiddigga ku guulaysta Koobka Adduunka.

Taageerayaasha ayaa si deg deg ah u arkay diiwaannada duullimaadka ee muujinaya diyaarad isu martay Farnborough ilaa Lisbon, waana isla diyaaraddii ay Blues ku xaqiijisay amaahda Joao Felix horraantii bishan.

Xogta ayaa daaha ka qaadday in diyaarad khaas ah ay u duushay Lisbon iyadoo ka timid Farnborough (oo ku ag taalla xeradooda tababarka) maalintan ugu dambaysa ee suuqa kala iibsiga jiilaalka.

Taageerayaasha ayaa si deg deg ah markaa u tilmaamay in ay ahayd isla diyaaraddii tagtay Madrid hal maalin kahor inta aysan kooxdoodu ku dhawaaqin saxiixa Felix, sidoo kalena waxay joogtey Amsterdam maalin kahor intaan la shaacin heshiiskii Noni Madueke.

Hadalsame Media