
(Quddus) 27 Jan 2023 – Ugu yaraan 8 qof oo Israaili ah ayaa caawa lagu toogtey woqooyiga magaalada Qudus ee la haysto. Dhaawaca ayaa sidoo kale ka badan 10 qof oo Yuhuud ah.
Dilkan ayaa salka ku haya isku dhac saacadihii u dambeeyey dhex marayey dadka reer Falastiin iyo ciidanka Yuhuudda, gaar ahaan Daanta Galbeed.
Booliska ayaa ninka weerarka gaystey gartay kunq sheegay Fadi Ayesh, oo ka tirsan ururka Xamaas isagoo degganaa xaafadda Shuafat ee bariga Quddus.
Ayesh ayaa rasaas ku furay macbadka Ateret Avraham isagoo ku hubaysan qori gacmeed, kaddibna wuxuu u cararay dhanka xaafadda Falastiiniyiinta ee Beit Hanina.
Waxa la sheegay inuu rasaas ku furay askartii timi goobta uu dilku ka dhacay waxaana markiisa si ba’an u toogtey askartii oo rasaas ku jawaabtey, sida uu sheegay Times of Israel.
Times of Israel ayaa isna qoraya in ninka weerarka gaystey uu yahay Alqam Khayri, 21-jir, aan horay ugu lug lahayn howlo noocan ah isagoo ku noolaa Bariga Qudus iyadoo aabihii su’aalo la waydiinayo.
Saxaafadda Israel ayaa sheegaysa in dabbaaldegyo lagu qanta Gaza iyo meelo ka tirsan Daanta Galbeed.
تصحيح
اسم منفذ العملية خيري علقم (و ليس العكس) 21 عاما من القدس pic.twitter.com/Bn5OJGqlrx
— يونس الزعتري #عين_على_العدو (@YounesZaatari) January 27, 2023
Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa loo sheegay xaaladda waxaana la sheegay inuu ku baaqay kulan “qiimayn xaaladeed ah” saacadaha soo aaddan.
Hoggaamiyaha mucaaridka ee xag-jirka ah ee Yair Lapid ayaa tacsi u diray qoysaska dhibku gaarey wuxuuna ku baaqay in argagixisanimada “si adag loola tacaalo,” sida uu qoray wargayska Jerusalem Post.
تغطية صحفية: “#صورة من الاحتفالات في مدينة نابلس بعد عملية القدس” pic.twitter.com/pkWebQ2as7
— المركز الفلسطيني للإعلام (@PalinfoAr) January 27, 2023

זירה
משטרה
כוחות
ביטחון
פיגוע
זירה
משטרה
כוחות
ביטחון
נווה יעקב
בית כנסת
הרוג
הרוגים

זירה
משטרה
כוחות
ביטחון
פיגוע
זירה
משטרה
כוחות
ביטחון
נווה יעקב
בית כנסת
הרוג
הרוגים
איתמר בן גביר

זירה
משטרה
כוחות
ביטחון
פיגוע
זירה
משטרה
כוחות
ביטחון
נווה יעקב
בית כנסת
הרוג
הרוגים

????
?????
?????
??????
?????
????
?????
?????
??????
???? ????
??? ????
????
??????
Hadalsame Media