(Hadalsame) 27 Jan 2023 – Goolhayeyaasha ayaa lagu soo waramayaa in laga mamnuuci doono inay mashquuliyaan rigooreyaal tuurtayaasha kaddib markii uu Emiliano Martinez ku kacay falal jeedin ah final-kii Koobka Adduunka taasoo keentay in dib u eegis lagu sameeyo sharciyada hadda jira.
Guddiga Caalamiga ah ee Sharciyada Kubadda Cagta Adduunka (IFAB) ayaa hadda go’aansaday inay soo saaraan sharciyo cusub si ‘loogu xoojiyo ciyaar-wanaagga’, taasoo ka joojinaysa goolhayayaasha inay sameeyaan dhaqan ujeedadiisu tahay inay jeediyaan laacibka rigooraha ridanaya.
The Sun waxa ay sheegtay in IFAB ay xeerkan ku ansixin doonto shirkooda guud ee bisha Maarso, kahor inta aanu si rasmi ah u noqon qayb ka mid ah ciyaarta.
Halyeeyga Argentina ee Martinez ayaa door wayn ka qaatay soo afjaridda sugitaankii dheeraa ee uu dalkiisu ku sugayey Koobkii Adduunkiisa seddexaad, isagoo ka caawiyey inay 2 kulan ku guulaystaan rigoorayaal.
Waxa uuna adeegsadey farshaxan mugdi ah labada jeerba, isagoo sameeyey wax walba oo uu ku kordhin karo cadaadiska, sida inuu kubada dhaqaajiyo iyo inuu dib u dhigo laacibka kubbadda ridanaya.
Hadalsame Media