Arrin ay samaysay Ethiopian Airlines oo ay dunidu la yaabban tahay & Sababta suurtagelisey

0

(Hadalsame) 27 Jan 2023 – Adduunku waa maamul. Ethiopian Airlines wax badan ma raaco, laakiin waxaan dareemay in “maamul fiicani” ka dambeeyo. 2021/2022 dakhligeedu wuxuu noqday $5 bilyan oo doollar.

Wexey ka badantahay shirkaddu miisaaniyadda dhammaan kililada iyo soomaaliya oo la isku daray. Wexey daabushay sannadkan 8 milyan.

2010 wexey lahayd 33 diyaarad, haddana 130 dayuurad kala nooc, waxay tagtaa 62 magaalo afrika keliya.

Halka dalalka afrika oo dhan dayuuradohoodu dhulka u yaallaan fashil, maamul xumo, musuq maasuq. Masar, South africa, Kenya maamul xumo ayey suuqa uga bexeen.

Xitaa dalalka reer Galbeedka qaar badan oo ka tirsan ayaan ku guulaysan inay sameeyaan raxan diyaaradood oo intan la’eg islamarkaana ay joogteeyaan bandhig howleed heer sare ah.

Qof raba in uu dib dhoco cidina ma hormarin karto. Qof raba in uu hormaro cidina ma celin karto.

W; Q: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media