”Ronald-ow Sucuudiga ma fududa” – Carabkii ciyaarta tebinayey oo madfac ku ridey markii kooxda CR7 goolka 3-aad laga dhaliyey

0

(Riyaad) 26 Jan 2023 – Kooxda Ronaldo ee Al-Nassr ayaa waxaa si bahdil ah uga badisay kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Itixaad oo ay ciyaareen Super Cup-ka Sucuudiga.

Ciyaarta oo qaadatay ilaa 100 daqiiqo ayay Ronaldo iyo saaxiibadii barbarraha raadinayeen markii ay maraysey 2-1, balse waxaa goolka 3-aad loogu daray daqiiqadihii dheeriga ahaa oo ay ciyaarta ka dhigeen 3-1 iyagoo dhaliyey goolka dilaaga ah ee u diray dhammaadka.

Laacibka Anderson Talisca ayaa goolka madiga ah u dhaliyey Al-Nassr, taasoo ka dhigan in Cristiano Ronaldo uu ku faloobay kulankan muhimka u ahaa kooxdiisa isagoo marar badan soo degey si uu kubadda u helo, balse waxba ma dhalinin.

Ronaldo oo natiijo xumo uga soo tegey dhamaan kooxihii uu ku biiray tan iyo markii uu ka rukhsaystay kooxda Real Madrid, ayaa haatan u muuqda mid xitaa ku dhibban dalka Sucuudiga.

Tebiyihii Carabiga ahaa ee ciyaarta tebinayey ayaa markii uu Al-Shaqueeti u seddexeeyey ku qayliyey ”Ronald-ow Sucuudiga ma fududa”.

Hadalsame Media