(Qaahira) 25 Jan 2023 – Mark Clattenburg ayaa ka tegey shaqadiisii madaxa guddiga garsoorka kubadda cagta Masar arrimo la xiriira dhanka ammaanka, kaddib markii sida la sheegay uu hanjabaado kala kulmay taageereyaal iyo weerarro shakhsiyadeed oo uga yimid madaxda kooxaha.
Garsoorihii hore ee Horyaalka Premier League ayaa doorkaa qabatay bishii Agoosto ee la soo dhaafay, halkaas oo loo igmaday kor u qaadista kartida waxqabad ee garsoorayaasha Masar.
Laakin Clattenburg waxaa si wayn TV-ga uga dhaleeceeyey Mortada Mansour, oo ah Madaxwaynaha Zamalek Sporting Club, kuwaasoo 14 jeer oo rikoodh ah ku guulaystey Egypt Premier League.
Mansour wuxuu dhaleeceeyey doorka Clattenburg ee kubbadda cagta Masar, sida laga soo xigtay The Sun.
Mid ka mid ah muuqaalada TV-ga, Mansuur ayaa ugu yeeray ninkan Ingiriiska ah musuqmaasuq isagoo door la mid ah midka Masar sidoo kale ka haya Sacuudi Carabiya, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay ‘Nin laaluush’ isagoo soo jeediyey inuu garsoorayaasha qaarkood u dhiibo kulamo gaar ah si loo hubiyo in ciyaaruhu ay xilli hore dhammaadaan.
Clattenburg, oo haatan la sheegay inuu Masar isaga cararay kaddib markii uu naftiisa u baqay islamarkaana qaba xaaskiisa Claire, ayaa sidoo kale wuxuu Mansour ku eedeeyey inuu xaaskiisii ka tegey si uu ”laga roone” u noqdo, waloow arrintaa la beeniyey.
Dhanka kale, Xiriirka kubada cagta Masar ayaa xaqiijiyey inay aqbaleen iscasilaadda Clattenburg. Garsoorihii hore ayaase la sheegay in aan la siinin labo bilood oo ka mid ah mushaarkiisa oo ah £32,000 oo gini bishii.
Zamalek channel : Clattenburg is a bribed man @clattenburg1975 pic.twitter.com/dcWokN095B
— غمري الأسمر – رسميا (@Ghamry72) January 20, 2023
Hadalsame Media