Ururka EAC oo maanta wefdi ballaaran oo xaqiiqo raadin ah u diray Muqdisho + Muuqaal (Somalia oo rajo wayn leh)

0

(Muqdisho) 25 Jan 2023 – DF Somalia ayaa muddaba riixaysey inay Somalia ku biirto baloogga EAC ee dalalka Bariga Afrika oo uu ganacsiga uu is dhaafsadaa gaarey in ka badan 10 bilyan oo Doollar.

12-kii bishan ayaana la guddoonsadey in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro dalka Somalia si ay xaaladda u qiimeeyaan.

Haatan EAC ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah u bilowdo Howlgalka Xaqiijinta ah si loo qiimeeyo diyaarsanaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka mid noqoshada EAC, maanta, 9 subaxnimo, aminta EAT.

Kooxda xaqiiqo raadinta ee Muqdisho tegeysa ayaa waxay ka kooban yihiin saraakiil sare oo ka socda dhammaan dalalka EAC xubnaha ka ah.

Soomaaliya ayaa waxay muujisay xiisaynteeda ku biirista bishii Luulyo 2022 iyadoo ay ururkan aasaaseen dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda 1967-kii balse dib loo habeeyey 2000 kaddib markii uu burburay 1977kii.

Xoghayaha guud ee EAC, Dr Mutuku Mathuki, ayaa sheegay in guddiga xaqiiqo raadintu uu diyaarin doono warbixin lagu eegi doono shirmadaxeedka ururka ee soo socda.

Halkan ka DHEEHO….

Hadalsame Media