LA YAAB: Garsoore roose u taagey laacib aan ahayn midkii khaladka galay & Arrinta ugu daran (Daawo)

0

(London) 25 Jan 2023 – Ciyaartii League One-ka ee Bolton iyo Forest Green ayaa waxaa hareeyey muuqaallo cajiib ah habeennimadii Talaadada kaddib markii garsooruhu uu casaan siiyey ciyaaryahan aan ahayn kii khaladka falay.

Wanderers ayaa gool heshay 6 daqiiqo uun kaddib markii uu lambarka 10-aad ee Dion Charles uu kubad karoos ah ka helay Gethin Jones taasoo bilow fiican u ahayd kooxdan martida loo ahaa.

Yeelkeede, gooldhaliyaha Charles ayaa markiiba ogaadey inuu yahay dhibbane markii uu kaarka cas oo toos ah ama qallalan uu garsoore Tom Nield u taagey daqiiqadii 28-aad.

Charles ayaa, si la fahmi karo, gebi ahaanba uga naxay kaarka casaanka ah halka inta badan jamaahiirtii garoonka Jaamacada Bolton ay ku jahwareereen waxa dhacay ilaa lagu celiyo muuqaalkii ciyaarta oo la arko wixii dhab ahaan dhacay.

Khaladka waxaa galay  Elias Kachunga, oo xirta 24, kaasoo feer ku dhuftay daafaca Rovers ee Brandon Cooper, balse ugu qosolka badani waa inuu garsooruhu calan-walaha waydiiyey wixii dhacay kaasoo ku taliyey inuu khaladka galay Charles oo deeto rooso la siiyey.

League 1 ma laha aaladda VAR.

Hadalsame Media