(Kigali) 25 Jan 2023 – Dawladda Rwanda ayaa soo riddey diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka deriska la ah ee Congo DR, taasoo ay sheegtay in ay ku soo xadgudubtey hawada dalkeeda.
Diyaaraddan oo uu nooceedu ahaa Ruush-sameega Sukhoi-25 islamarkaana la farsameeyey xilligii Midowgii Soofiyeeti ayaa lala eegtay gantaal xilli ay maraysey xudka kala qaybiya labada dal.
Kigali ayaa ku doodaysa in ay diyaaraddani soo gashay hawadeeda islamarkaana ay ku kacday falal arbushaad amni ah, halka ay Congo ku doodayso in aanay diyaaraddoodu marna daakhulin hawada dalka toogtey ee Rwanda.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay xiisadi ka dhex aloosnayd labada dhinac taasoo waayahan baahayd mid sii cakirmaysey, iyadoo Congo ay horay Uganda ugu eedaysay in ay gacan siiso jabhadda dalkaasi ka dagaallanta ee M23.

Hadalsame Media