Chelsea oo lagu fahmey xeelad ay suuqa uga soo adeeganaysey & Kooxaha EPL oo dacweeyey (UEFA oo tillaabo qaadaysa)

0

(London) 24 Jan 2023UEFA waxa ay qarka u saaran tahay in ay xirto daldaloollada u sahlay Chelsea inay waqtiyo kala duwan bixiso kharashaadka rikoodh jebiska ah ee ay muddo ilaa 8 sano ah qayb qayb ugu bixinayso, kaddib markii ay cabashooyin kasoo gaareen kooxaha kale ee Premier League.

Sportsmail ayaa shaaca ka qaaday in tiro ka mid ah kooxaha heerka koowaad ay Chelsea ku eedeeyeen kooxda inay isku dayday inay khiyaamayso sharciyada dhaqaale wanaagga ee loo yaqaan FFP iyaga oo isticmaalaya hannaanka hay-wareerinta ama amortization si ay  kharashka Mykhailo Mudryk oo ah £88 milyan oo ginni ugu bixiyaan muddo 8 sano ah.

Xeerarka FIFA ayaa waxaa ku dhigab in 5 sano uu yahay dhererka qandaraaska ugu badan, laakiin xaaladaha gaar waa la ogol yahay, kuwaas oo Chelsea ay ka faa’iidaysatey si ay dib u dhigto inta badan bixinta kharashka rikoodhka ah ee £460 milyan oo ginni ee ay ku bixisay suuqa kala iibsiga tan iyo markii uu Todd Boehly iibsaday kooxda bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Marka laga soo tago Mudryk, oo saxiixay qandaraaskii ugu dheeraa taariikhda Premier League, daafaca Faransiiska ee Benoit Badiashile iyo weeraryahanka Ivory Coast ee David Datro Fofana ayaa labaduba saxiixay heshiisyo min lix sano iyo bar ah bishan.

Laacibiinta Wesley Fofana iyo Marc Cucurella ayaa iyana saxiixay qandaraasyo todoba iyo lix sano ah siday u kala horreeyaan xagaagii hore, balse arrintan haatan waa lagu haystaa Chelsea, iyadoo UEFA ay hirgelinayso xeer dhigaya in 5 sano aanu ka badan qandaraasku.

Hadalsame Media