”Waxaan u egnahay horyaallo” – Taageerayaasha Arsenal oo ay kalsooni guuleed soo gashay (Arag fal-celintooda)

0

(London) 23 Jan 2023 – Taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay inay rumaystaan inay ku guulaysan karaan Horyaalka Premier League kaddib guushii ugu dambaysey ee ay ka gaareen Manchester United.

Goolkii soo daahay ee Eddie Nketiah ayaa saddex dhibcood u xaqiijiyey kooxda Mikel Arteta kulankii xiisaha lahaa ee ka dhacay Emirates waxayna hadda 5 dhibcood ka sarreeyaan Manchester City oo uu kulan baaqi u yahay dhanka hoggaanka horyaalka.

Taageerayaasha Gunners ayaa ka fal-celiyay baraha bulshada, iyadoo mid ka mid ah taageerayaashu uu ku adkaystay in kooxdooda ay ‘run ahaantii ku guulaysan karaan horyaalka’, inkastoo ku dhowaad kala bar uu weli ka harsan yahay.

“Waxaan bilaabay inaan ku dhiirrado inaan rumaysto guusha. Waxaan bilaabaynaa inaan u ekaanno horyaallo!” ayuu yiri taageere kale oo farxad la jidbaysay kaddib markii seeriga ciyaar dhamaadka la afuufay kulankii Woqooyiga London.

Hadalsame Media