”Kuma taameen inaan ka hortago” – Mykhailo Mudryk oo ay durba bandhiggiisa ka maqsuudeen mucaarad & muxaafid (Daawo)

0

(Liverpool) 21 Jan 2023 – Liverpool iyo Chelsea ayaa dhibcihii oo caddaan ah ku kala qaatay ciyaar ku qabsoontay gegada cabsiiska ah ee Anfield, kaasoo Jürgen Klopp u ahaa kulankiisii kumaad.

Labada dhinacba wax bay isku dayeen oo way dadaaleen, laakiin midkoodna ma awoodin inuu horumar uu goolal ku dhaliyo sameeyo.

Yeelkeede, laacibka cusub ee ay Chelsea ka dulqaadday Arsenal ee Mykhailo Mudryk ayaa kubad xamaasad leh soo bandhigay kaddib markii uu kasoo kacay kursiga kaydka ee kooxda martida ahayd, waloow uu dhaafi waayey difaaca Liverpool, misna wuxuu muujiyey inuu yahay nin taabasho macaan oo qiyaas leh samayn kara islamarkaana aan ka cabsanaynin inuu hindise la yimaado.

Taageerayaasha Blues iyo xitaa khubarada kubadda cagta ayaa durba amaan kala dul dhacay, waloow ay qaar badani qabaan in weli aanu u qalmin kharashka ku baxay ee boqolka milyan ka badan.

Laacibkii hore ee Man United ee Gary Neville ayaa xitaa ku kaftamay ”inuusan jeclaadeen inuu wajaho laacibkan kaddib tobankii daqiiqo ee uu daawaday.’

Hadalsame Media