Maxaad ka ogtahay dhibaatada uu qofku ka maro geeddi-socodka Dhaqidda Kelyaha

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis) kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo mid isku ah ah oo mid waliba howl gaar ah qabanayso, ayadoo la galinayo Xididka Arooraha ah (vein) ee qoorta, laabta ama bowdada midkood iyada oo la isticmaalayo suuxdinta gaarka ah (local anesthesia) inta lagu gudo jiro sifeynta Kilyaha.

Dhiiga ayaa waxa uu ka soo baxayaa jirka isaga oo soo raacaya Tuubada cas, wuxuu dhex maraa aaladda sifeynta, waxa uuna ku soo noqdaa tuubada Buluugga, xaaladaas ayuu qofka ku sugnaanayaan ilaa 4 saacadood isaga oo saaran sariir dusheeda oo waliba bilaa dhaqdhaqaaq ah.
Qofka ayaa loo sameeyaa howsha Sifeynta Kelyaha Todobaadkii Sadex jeer, taasoo noqonaysa Bishiiba 12 Mar, hadii Saacad ahaana loo xisaabiyo waxay noqonaysaa wadarta guud 48 saacadood Bil kasta.

Waxaa intaas kasii daran waxaa baxaya kharash badan oo Boqollaal Doollar ah Bishii taasoo aysan ka bixi Karin dadka dhaqaalahoodu hooseeya.

Adiga, aniga iyo guud ahaan dadka caafimaadka qaba ee aan qabin cudurka kidney failure (Kilyaha oo howlgab noqda) ma Qiyaasi kartaa inta jeer ee Kelyahaada ay isa sifeeyaan?

Qiyaasii Lixdan jeer ayay maalintii Kelyahaada si Automatic ah isu meyraan, sida dhaqaaqiirta ay sheegaan. Howshaas ayaa waxay dhacdaa innaga oo aanan dareemin wax dhibaato ah ama xanuun ah oo waliba cidna meel na seexin, Tubooyina nagu xirin, mana jirto kharash nooga baxa howshaas wayn oo la’aanteed qofka uusan noolaan Karin.
Waxaan haysanaa Nicmooyin badan oo aan la tirin Karin, lana koobi karin . الحمدلله

وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (18) سورة النحل

W; Q: Xuseen Saxnuuni

Hadalsame Media